Afartan Xadiis|教育線上App不用買

シェア記事:

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelya- dii Alle ha ahaadeen nabigayagii Muxammad korkiisa, ehelkiisa, asxaabtiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha.

Kaddib: Waxaynu ogsoonnahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka , saldhig- gana u ah nolosha qofka muslimka ahi inay yihiin Qur'aanka kariimka iyo sunnada dahiran ee nebiga (SCW).

Midka hore ee ah (Qur'aanka) waa hadalkii Alla (SWT) ; midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska nebiga hadba kan loo yaqaan wa tusaalooyinkii nebiga (SCW) ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii casiiska ahaa yiri: " Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idinka reebayna ka hara" Sunnaduna waa tan bayaanisa Qur'aanka, dhammeystirkana u ah hanuunka iyo kheyrka xagga Rabbigeen inoo laga soo dejiyey. Qofkuna hadduusan darsin Sunnada kama qaadan karo suurad dhan ee sax ah axkaamta diinta, mana fahmi karo xaqiiqda lslaanrka iyo kheyrka ku laran..

Sidaa awgeed ayaa waxaa ii muuqatay inaan walaalaheen Soomaaliyeed u soo gudbinnaa qaybo ka mid ah axaadiistii nabigeennii suubbanaa (SCW) oo afkooda hooyo ugu tar-juman, si looga haqabtiro baahida ka haysata xagga axaadiista Rasuulka (SCW)'. Waxayna doorashadu ku dhacday inaynu ku billowna daabacaadda iyo fidinta kitaabkan uu qoray walaalkeen Sh. Cabdul Raxmaan Xuseen Samatar, kaddib kolkaan naqtiimay kitaabka; wixii khaladaad ahina aan ka saa-ray. Kaddibna waxaan jecelnahay inaan soo saarno kitaabka Riyaadu-Saalixiinka uu qo-ray al-Imaam Anawawi isagoo af Carabi - Soomaali ah, haddana aannu ku howlanna- hay 'Waxaana suurta gal ah in Ilaahay kheyrka ina waafajiyo oo aan dadaalka meesha ka sii wadno oo qaybo kale ee xadiiska Rasuulka soo saarno sida saxiixul Bukhaariga iyo Muslim.. Waxaan u rajeynaynaa dadweynatra Sooma-liyeed inay ka faa'ideystaan, kuna camal falaan mabaadida toosan ee Rasuulkeennu (SCW) inoogu yeerayo..

Allaana u wakiilannay inuu wax ka dheef- siiyo walaalakeen dadaalkayaga, innagana innaga aqbalo camalkayagan, kana dhigo mid khaalis u ah Wajigiisa kariimka ah. Naxariistii iyo nabadgelyadii Allana ha ahaa-deen nabigeennii Muxammad korkiisa, ehel-kiisa, asxaabtiisa, iyo intii samaanta ku raac-day ilaa maalinta qiyaamaha. ( Aamiin.. Aamiin ..Aamiin)..

Cabdulcasiis Xasan Yacquub

HORDHACA TARIUMAHA BUUGGA

Wuxuu ku sheegay mu'allifka kitaabkani al-Imaam Nawawi, gogoldhiggii ugu horreeyey inuu jiro xadiis aan sugneyn oo leh:

Marka waxaan goostay inaan afartan xadiis ururiyo anigoo ku dayanaya culumadaas fa- raha badan oo arrimahaas oo dhan wada koo- baya. Xadiis kasta oo ka mid ah kuwaan aan soo xulay waa saldhig weyn oo ka mid ah asaaska diinta Islaamka, culumaduna ku til- maameen inay murtida Islaamku ku dhan tahay ama Islaamka barkii ama waaxdii.. waana xadiisyo dhammaan wada saxiix ah oo sugan.

Sida dhabta ah arrimahaas al-Imaam Nawawi ku tilmaamay kitaabkan waa xaqiiqo dhab ah, waana arrimahaas waxa igu xambaaray inaan kitaabkan u soo tarjumo af Soomaaliga.

Waxaan la kulmay dhallinyaro badan oo af Soomaliga si wacan u taqaanna, laakiin, af carabigu ku culus yahay, isla markaan aad uga fiirsadayna kitaabka ugu habboon ee fik-rad run ah oo fudud ka siinaya diinta Islaam-ka ayaan ku qancay in kitaabkani kaalintaa buuxin karo, sababtoo ah wuxuu kulansaday axaadiis ka hadleysa arrimo badan oo qofka iyo bulshadaba si qoto dheer u saameyneysa sida axaadiista ka hadleysa tiirarka Islaamka, Iimaanka, iyo Ixsaanka, sida niyada, daacad-nimad, hagar la'aanta iyo inaan lagu labin camalka llaahay loola jeedo wax aan sharcigu farin.

Axaadiis kale waxay ka hadleysaa waaji-baadka qofka ka saaran bulshada uu ku nool yahay, sidii uu u gudan lahaa waajibaadkaas iyo haddii uu guto abaalgudka uu leeyahay. Axaadiis kale waxay ka hadleysaa sida xiriir- ka bulshadu ku toosi lahaa, waxayna tilmaa- meysaa wixii bulshada isu soo dhoweyn la- haa ee ku xambaaraya xubnaha bulshada inay is-afgartaan oy wax wada qabsadaan.

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

【免費教育App】Afartan Xadiis-APP點子

免費玩Afartan Xadiis APP玩免費

免費玩Afartan Xadiis App

Afartan Xadiis APP LOGO

Afartan Xadiis LOGO-APP點子

Afartan Xadiis APP QRCode

Afartan Xadiis QRCode-APP點子
熱門國家系統支援版本費用APP評分上架日期更新日期
未知Android
Google Play
0.0.1
App下載
免費
1970-01-012015-04-23
シェア記事: